- Sawirro muujinaya qiiq ka baxaya deked shidaal oo Imaaraad leeyahay

Xigashada Sawirka,Reuters
Waxaan hore u daabacnay warbixin ku saabsan muuqaallo dayax-gacmeed iyo sawirro muujinaya dab iyo waxyeello ka dhacday Fujairah Oil Terminal ee ku yaalla Imaaraadka Carabta.
Hadda waxaan soo baxaya sawirro dheeraad ah oo muujinaya qiiq ka kacaya dekedda shidaalka, oo ku taalla xeebta gacanka Cumaan
Xafiiska warbaahinta ee Imaaraadka ee Fujairah ayaa sheegay in dab uu kacay ka dib markii burbur ka soo dhacay diyaarad drone ah oo ay difaacyada cirka qabteen. Si kastaba ha ahaatee, waxay intaas ku dareen in dabka la damiyay, isla markaana aan wax khasaare naf ah la soo sheegin.






