Haddii ay rumoowdo in Saleebaan Maxamuud Aadan baneeyo xilka Guddoomiyaha Golaha Guurtidda, shakhsiga aan aaminsanahay inuu hoggaamin karo Golaha waa Cabdulqaadir Jirde.

Nasiib darro, xubin kama aha Golaha Guurtidda. Si kastaba ha ahaatee, waxa suurtogal ah inuu xubin ka noqdo haddii uu helo xildhibaan uga tanaasula xubinnimada.

Sababta aan u taageerayo waa inaan aqaan kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa, sidoo kalena uu yahay qof ay dad badani ku kalsoon yihiin. Waxaan rumaysanahay in hoggaankiisu uu Golaha Guurtidda ka dhigi lahaa gole ka duwan sida uu maanta yahay.

Tani waa aragtidayda shakhsiga ah, mana metelayso cid kale.

Mujaahid Cali Gurey.