Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in waddanku uu diiday dalabaadka iyo shuruudaha uu Mareykanka u dejiyay si loo soo afjaro dagaalka.

Warbaahinta ayaa ilo amni oo aan la mabagaabin ka soo xigtay in Iiraan ay dagaalka joojin karto markay doonto ama marka laga ogolaado ama la dhaqan geliyo shuruudaha ay iyadu wadato.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa si isdaba joog ah carabka ku adkeeyay inaysan rabin xabad joojin, balse ay doonayaan in gebi ahaanba la joojiyo colaadda.

Sidoo kale warbaahintu waxay sheegtay in Iiraan ay dejisay shan shuruudood oo u gaar ah kuwaas oo kala ah in:

La joojiyo weerarrada iyo dilalka ka socda dalkeeda.
La sameeyo ama la dejiyo qorshe wanaagsan oo hubin doona in dagaal aan mar kale laga bilaabin Iiraan
La xaqiijiyo qorshaha bixinta magdhowga
La joojiyo dagaalka ka socda dalka iyo kooxaha kale ee la xiriira gobolka
Iyo in dunidu aqoonsataa madaxbannaanida Iiraan ee marin biyoodka Hormuz.
Ilo wareedka ayaa intaa ku daray in Mareykanka uu isku dayayo inuu ku lug yeesho wadahadallada, laakiin Iiraan waxay sheegtay in dalabaadka Mareykanka ay yihiin “kuwo adag”.