SHIIKH CISMAAN NUUR DHEERE SHIIKHAL BELEDKA BURCO IYO SIDUU DIINTA KU BILAABAY IHN.

Shiikh Cismaan nuur ilaahay ihn wuxuu ahaa shiyuukhdii diinta islaamka carriga somaalida ku faafiyay gaar ahaan gobolka togdheer, waxa cajiib ah shiikha malcaamad lama gelin quraankana cidi umay dhigin, isagoo safar ah oo berbera u lugeeynaya ayuu shimbir garabka midig iskaga taagay dabadeed wuu is taagay dadkii la socday ayaa dib u eegay isagoo taagan, intay ku qosleen ayay yidhaahdeen shinbirku geedbuu mooday waar iska rid shiikhu markii uu shimbirkii ka duulay wuu aamusay markay gaadheen berbera wuxuu galay musaajid laba cisho ayuu ku jiray markuu ka soo baxayna wuxuu u kacay burco isagoo quraankii korka ka haya , wuxuu ka furtay malcaamad halka uu masjidka uu ku aasanyay ku yaallo,waxa mucjiso ah marwadiisii faadumo faarax dhinacweyne markii ay dhimanaysay wuxuu ku yidhi faadumooy walaal ilaahay meel uu ogyay ayaynu isugu imanayaa maanta waxay ku aasanyihiin isku meel musaajidka burco.

Muhiimadda aan qoraalkan u qoray waxay tahay mucjisada ilaahay shimbirkii garabka iskaga taagay ayaa dhegtiisa ku akhriyay Quraanka oo qsybsiiyay waa mucjiso, qoraalkan ciddii la yaabtaa haka waraysato tafiirtiisii oo qabiil dhan ah ayaa waddanka joogtee.

Waxa laga yaabaa inaan wax ka illabo qoraalka.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.