Sheekh Dirir oo soo Jeediyay Xalka Dagaalka Laascaanood
Hargeysa(Qaran news)- Sh. Maxamed Cumar Dirir ayaa ku baaqay in xalku ku jiro in la joojiyo dagaalka Laascaanood.
Sheekh Dirir wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi uu ku bixiyay dalka dibadiisa.
“Markii wax dhaceen intayada dhinacan joogtaa waanu la xidhiidhnay, aniga iyo sheekh Mustafe dadka masuuliyiinta ah ee uu Qaraarku ka go’o mar iyo lababa sidii loo joojin lahaa arrinkaa doorkeedana waanu qaadanay,”ayuu yidhi Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir.
Sheekha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Ilaa saddex afar jeer ayaanu ka hadalney in aanu dhiiga qofka muslimka ahi banaanayn in la daadiyo”.
Sheekhu wuxuu si gaar ah u dul istaagey arinta ka taagan xaalada Magaalada Laascaanood iyo khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi.
“Arrinta imika jirta burbur baa dhacay, dhimashaa dhacdey, dhaawacbaa dhacay, waaxeeni uunban go’ay.
Dadka shisheeye waxaa laga yaaba in ay yidhaahdaan si guud immisaa dhintey, arinkaa innagu wada dhacay waxaa muhiim ah in aan lasii wadin.”
Sheekh waxaa la waydiiyey waxaa xalka u noqon kara colaada halkaasi ka taagan waxaanu ku jawaabay. “Waa in aan lasii wadin dagaalkaasi oo la joojiyo, dadka acyaanta ahina waa in ay ka hawl galaan darafyaduna waa in ay soo dhaweeyaan.”