
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa xaqiijisay xarigga aqoonyahan Mareykan ah oo ay ku eedeysay basaasnimo iyo inuu halis geliyay ammaanka qaranka Shiinaha.
Waxaa la sheegay in la waayay xilli uu ku sugnaa magaalada Kunming ee dalka Shiinaha oo xudduud la leh Myanmar, ayaa lagu yiri warbixinta.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xarigga – oo ah mid aan caadi ahayn, maadaama ay caadi tahay in Shiinuhu xiro muwaadiniin Maraykan ah oo loo haysto eedeymo amni qaran – lama oga.
Xariggan ayaa ku soo beegmaya toddobaadyo uun ka dib booqashadii uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha lana kulmay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, halkaasi oo hogaamiyaha Maraykanka uu kala kulmay soo dhawayn weyn.
Waxa ay sidoo kale ku soo aadeysaa xilli madaxweynaha Myanmar Min Aung Hlaing lagu wado in uu booqasho ku tago magaalada Beijing dabayaaqada todobaadka soo socda.
Xukuumadda Beijing ayaa la og yahay in ay xiriir dhow la leedahay militariga Myanmar, oo ah dowladdii militariga ee dalkaas oo afgambi ku qabsatay sannadkii 2021-kii.





