Shir lagaga Hadlayey Xogta casriga ah ee Shaqaalaha oo lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa(Qarannews)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta qabatay kulan lagu soo daah-furayo qiimaynta iyo Qaabaynta Nidaamka casriga ah ee maamulka xogta shaqaalaha Hawlgabka loona yaqaano PMIS.

Hawshan oo beryahanba ay wadday Hay’adda Shaqaaluhu waxa gacan ka siinayay khubaro isugu jira caalami iyo muwaadiniin intaba kuwaas oo aqoon durugsan u leh hawshan. Kulankaas oo uu hagayay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ka soo qaybgalay Agaasimayaal Guud, Agaasimayaasha Waaxaha Cududda Shaqaalaha iyo saraakiil kale. Waxa iyaguna goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Khubarada ayaa halkaa ku soo bandhigay qiimaynta iyo qaab-dhismeedka uu nidaamkani yeelan doono, iyaga oo faahfaahin ka bixiyay qaybaha uu ka kooban yahay, sida uu u shaqayn doono, nidaamyada kale ee uu ku xidhmi doono iyo agabka uu u baahan doono si uu u shaqeeyo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhamaystirka hawshan oo muddo qaadatay iyo dadkii gacanta ka gaystayba isaga oo ku dheeraaday muhiimadda uu nidaamkani u yeelan doono maamulka xogta shaqaalaha Hawlgabka ah.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in hawshani qayb ka tahay Nidaamka Hawlgabka shaqaaha dawladda oo dhamaystirkeedu si xawli ah u socdo, iyada oo Xeerkii hawlgabku uu hor yaallo Golaha Wakillada horena ay u ansixiyeen Golaha Wasiirradu.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya loo gudbayo in si rasmi ah loo gudageli doono dhisidda iyo ka shaqaysiinta nidaamkan oo wejigiisii koobaad maanta soo dhamaaday.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo madax kale oo ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda iyada oo halkaa lagu lafaguray ka shaqaysiinta nidaamkan iyo guud ahaan arrimo ku saabsan Nidaamka Hawlgabka shaqaalaha dawladda.