Shir lagu Dejinayo Qorshaha Saddex Biloodka Xannuunada Maanka oo lagu Qabtay Hargeysa
Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waaxdeeda Caafimaadka maanka ayaa maanta soo qaban qaabisay shirka Saddex billoodka ahaa ee u dhexeeyay waaxda maanka iyo Guddida Heer qaran ee Caafimaadka maanka oo ka kooban qaar ma mid ah Golaha wasiirrada, Xubno ka kala ka socday ganacsatada qaadlayaasha iyo ururrada maxaliga ah.
Shirkan oo maanta ka qabsoomay Huteelka Mansoor ee Magalada Hargaysa ayaa waxa la iskaga xog-waraystay waxqabadkii waaxda maanka iyo waxyaabihii u qabsoomay Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, Caqabadaha jira iyo sidoo kale waxyaabaha ay Muhiimka tahay in la qabto saddex biloodka soo socda.
Waaxda Caafimaadka Maanka ayaa soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo caqabadaha jira ee u baahan in si wada jir ah loogu helo xal.
Markuu shirku soo dhamaaday ayaa waxaa ugu horayn ka warbixiyay waxyaabihii lagaga arrinsanayay agaasimaha waaxda Caafimaadka maanka Dr. Mustafe Maxamed Axmed, isagoo xusay in shirkani bud-dhig u yahay in la la fuliyo qorshaha saddexdii bilood ee hore iyo sidoo kale in la helo qorshe midaysan oo lagu wajahayo saddexda bilood ee soo socda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo dhankiisa ka waramay shirkan iyo ujeeddooyinka saddexdii biloodba hal Mar la iskugu yimaado ayaa sheegay in mashruucan lagu taageero dadkeenna ka xanuunsanaya maanka uu yahay mashruuc ay Somaliland leedahay oo aan meel kale laga taageerin.