Shir Taiwan ka Furmay oo ay ka Qaybgashay Dawladda Hoose ee Hargeysa


Hargeysa(Qaran news)-Magaalada Taipei ee dalka Taiwan, waxaa si rasmi ah uga furmay shirweynaha caalamiga ah ee loo yaqaano “Smart Cities Summit and Expo”, kaasi oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka socday Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa oo ka koobnaa Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta khadar yuusuf Cali, Xil Yaasin Cumar Cabdi Gudoomiyaha arrimaha bulshada iyo Xil Jamaal Cismaan Cabdilaahi Gudoomiyaha dhaqaalaha ee dawlada hoose hargeysa.

Bandhiggan caalmiga ah oo muhiim u ah is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha ku saabsan horumarinta magaalooyinka, ayaa waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka socda magaalooyin kala duwan oo dunida ah, shirkado caalami ah oo ku hawlan samaynta technologi Casri ah, khuburo & xeeldheerayaal kala duwan oo ka kala yimi daafaha dunida.

bandhiggan ayaa diiradda saaraya iskaashiga, wadaagista hal-abuurka, iyo dardargelinta hirgelinta xalalka technologiyadda sare leh si loo wajaho caqabadaha ka jira magaalooyinka aduunka, isbedelka cimiladda, yaraynta wasakhawga hawadda, cagaarinta & casriyeynta magaalooyinka caalamka.