Shirkadda FlyDubai ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, kadib markii uu muran ka dhashay dhaqan gelinta nidaamka cusub ee fiisaha Elektarooniga ah ee Soomaaliya (E-Visa).

Go’aankan ayaa yimid kadib markii dhawaan maamulka Soomaaliya ay E-Visa ku xireen in lagu soo galo guud ahaan dhulka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland oo si madaxbanaan u shaqeysa balse aan aqoonsi caalami ah ka helin arinkani oonu muuqda in uu yahay mid xaqdaro ah

Arintan xaqdarada ah ayaa waxaa ka soo horjeestay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, iyagoo u arkayay mid meel ka dhac ku ah madax-banaanidooda. Khilaafkan ayaa hakad geliyay qabanqaabada safarka, taasoo keentay in Flydubai ay joojiso adeegyadii ay ku tagi jirtay Hargeysa ee caasimadda Somaliland ilaa amar dambe.

Somaliland marna uma hogaan san doonto xukuumadda ka talisa xaafado ka mid ah magaaladda Muqdisho.