Fadhigii 70-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa waxa lagaga wada hadlay qodobbada soo socda:
𝟏. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐥𝐚𝐟𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚
Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dood qoto dheer ka yeeshay Siyaasadda Qaran ee Calafka Xoolaha, iyaga oo falanqeeyey muhiimadda ay Siyaasaddani u leedahay sugnaanta calafka Xoolaha, horumarinta wax-soo-saarka Xoolaha, iyo xoojinta adkaysiga bulshada reer miyiga ah ee la xidhiidha saamaynta Abaaraha iyo Isbeddelka Cimilada.
Siyaasaddan ayaa dejinaysa hannaan Qaran oo lagu horumarinayo soo saarista, kaydinta, tayaynta iyo maaraynta calafka Xoolaha, iyada oo la dhiirrigelinayo maalgashiga, cilmi-baadhista, iyo iskaashiga Hay’adaha Dawladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bulshada.
Dood iyo falanqayn dheer kaddib, Golaha Wasiirrada JSL ayaa si buuxda oo aan loo kala hadhin cod gacan taag ah ku ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Calafka Xoolaha, taasi oo laf-dhabar u noqon doonta horumarinta iyo tayeynta nolosha Xoolaha oo ah Tiirka ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Qaranka JSL.
𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo xaqiijiyey in amniga Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan, isla markaana dhammaan Gobollada dalka ay ka jirto nabad iyo xasillooni buuxda.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ay si wadajir ah u dejiyeen hannaan lagu adkaynayo amniga, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada ee goobaha khayraadka dabiiciga ah, si gaar ah meelaha laga baadho lagana soo saaro dahabka iyo macdanaha kale, iyada oo mudnaanta la siinayo ilaalinta danaha guud ee Qaranka iyo nabadda bulshada.
𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, saamaynta ay colaadaha Bariga Dhexe ku yeesheen dakhliga Qaranka, korodhka qiimaha shidaalka iyo maciishadda, taasoo saamayn toos ah ku yeelatay nolosha bulshada.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha uga xog-warramay halka ay marayso diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2027-ka, isaga oo xusay in mudnaanta la siinayo xoojinta dakhliga gudaha, adkaynta maamulka-maaliyadeed, ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, iyo dejinta miisaaniyad ku salaysan mudnaanaha horumarineed ee uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
𝟒. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐞𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐚𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda JSL, Mudane Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey muhiimadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Somaliland u guurto nidaamka casriga ah ee Digitalization, si ay ula jaanqaaddo horumarka teknoolajiyadeed ee haatan dunidu ku tallaabsatay.
Wasiirku waxa uu Golaha u sharraxay in qorshahani yahay hannaan Qaran oo dardar-gelinaya hufnaanta adeegyada Dawladda, kobcinta dhaqaalaha Dijitalka ah iyo horumarinta aqoonta, isaga oo Golaha ku boorriyey in arrintan loo aqoonsado Qorshe Qaran oo istaraatiji ah oo laf-dhabar u noqonaya horumarka iyo casriyeynta adeegyada Qaranka ee nidaamka Dijitalka ah.
𝟓. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐲𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin qoto dheer ka siiyey Furitaanka Horyaalka Kubadda Cagta ee Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay in tartankani yahay madal muhiim u ah horumarinta hibada dhallinyarada, xoojinta midnimada bulshada, iyo dhiirrigelinta is-dhexgalka bulshada ee Gobollada dalka.
Waxa uu tilmaamay in Wasaaraddu dhamaystirtay diyaar-garowgii lagama maarmaanka ahaa si Horyaalku ugu qabsoomo jawi hufan oo waafaqsan qorshaha horumarinta Ciyaaraha Qaranka.
Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu Golaha la wadaagay in 14.08.2026-ka ay Somaliland marti gelin doonto Oroddada Mahratoonka, kaasi oo sannadkan ay ka soo qayb geli doonaan Waddamo badan.
𝟔. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Axmed Aw Dahir X. Xasan ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin la xidhiidha waxqabadka Wasaaradda, gaar ahaan xoojinta xidhiidhka Hay’adaha Dastuuriga ah, horumarinta nidaamka sharci-dejinta iyo la socodka hirgelinta arrimaha Dastuurka.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso tayeynta Hay’adaha Qaranka iyo adkaynta Tiirarka Dawladnimada, dib-u-habaynta Xeerarka iyo Shuruucda Qaranka ee weli qabyada ah, kobcinta Waddaniyadda, fahamka bulshada ee Dastuurka Qaranka iyo Xeerarka ka farcama, kor u qaadista ka-qayb-galka muwaadiniinta JSL ee nidaamka dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda.
𝟕. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚:
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin guud oo la xidhiidha hab-sami-u-socodka iyo horumarka laga gaadhay Siyaasadda Arrimaha Dibedda, dedaalladii ugu dambeeyey ee aqoonsi raadiska iyo xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Beesha Caalamka. Wasiirku waxa uu adkeeyey in guusha himilooyinka diblomaasiyadeed ee Qaranka JSL ay u baahan tahay juhdi iyo dedaal mideysan, Xukuumad iyo Shacabba.
Wasiirku waxa uu xusay in xilligan ay sii kordheen dadka iyo dalalka ka xun jiritaanka iyo Qarannimada JSL, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in aynu noqonno Qaran leh hal cod iyo hal ujeeddo oo heegan ugu jira difaaca danaha iyo Qarannimada





