๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 47-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhigii 47-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

1. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab.

Wasiirku waxa uu sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba oo ka jira dhammaan Gobollada dalka, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka oo sababa dhimashada ugu badan dalkeena.

2. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay dedaallo badan gelisay sidii uu u soo bixi lahaa Dakhligii lagu Odorosay Miisaaniyadda 2025-ka, kaasi oo ay Wasaaraddu gebi ahaanba si dhab ah u xaqiijisay in la gaadho yoolka dhakhli iyo koboca dhaqaale ee Wasaaradda u astaysnaa Jan- Dec. Sannadkan 2025-ka ee dhammaanaya.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Golaha Wasiirrada, Hayโ€™adaha Qaranka, Golaha Wakiillada, iyo Hawl-wadeennada Wasaaradda si mug leh ugaga mahad naqay doorka muhiimka ahaa ee ay ku lahaayeen diyaarinta, ka doodista, ansixinta iyo dhaqan-gelinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka, isaga oo ku tilmaamay in Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka ay tahay tii ugu horraysay ee lagu diyaariyey laguna ansixiyey xilligii loogu talo galay.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay dar-dargelinayso kor u qaadista isticmaalka iyo adeeg bixinta casriga ah ee Dekedda Berbera ee Ganacsatada Waddammada jaarka ah, gaar ahaan dalka Itoobiya. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Dalka Itoobiya iyo Wefti uu hoggaaminayey oo ay ka mid ahaayeen madax sare oo ka socota qaar ka mid ah is-maamulka Kilillada Itoobiya ay toddobaadkan booqasho hawleed ku yimaadeen Somaliland, isla markaana ay soo booqdeen Dekedda Berbera, Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka iyo Free Zone-ka.

3. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa Golaha la wadaagay xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isaga oo iftiimiyey mudnaanta ay Wasaaraddu siinayso horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, ilaalinta feyo-qabka bulshada, caqabadaha jira, iyo dedaallada ay Wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaadka bulshada.

Wasiirku waxa uu guud ahaanba bulshada Somaliland ku baraarujiyey in xilliyadan Abaaraha si weyn looga taxadiro tayada biyaha la cabbo.

4. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐ซ๐ฐ๐š๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ฑ-๐ฌ๐จ๐จ-๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed.

Wasiirku waxa uu Golaha u sharraxay natiijooyinka iyo aragtiyaha ka soo baxay Carwada, taasoo ahayd madal Qaran oo si qoto dheer loogu falanqeeyey mustaqbalka Ganacsiga iyo kaalinta ay Xooluhu ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka.

Wasiirku waxa uu bayaamiyey in Carwadu ay si cad u muujisay in Xoolaha nooli ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, isla markaana ay jiraan fursado ballaadhan oo u baahan qorshe Qaran, maalgelin, iyo iskaashi midaysan si buuxda looga wada faaโ€™iidaysto.

Wasiirku waxa uu sheegay in Carwadu ay isu keentay Xoolo dhaqatada, Ganacsatada, maalgashadayaasha, Hayโ€™adaha Dawliga ah, Shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyada oo lagu falanqeeyey:

1. Caqabadaha la xidhiidha silsiladda qiimaha xoolaha,
2. Fursadaha suuqyada gudaha dalka iyo kuwa dibeddaba,
3. Ballaadhinta adeegyada caafimaadka xoolaha iyo kaabeyaasha la xidhiidha.
4. Dejinta istiraatijiyad Qaran oo lagu horumarinayo qaabka Xoolo dhaqashada.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Carwadu ay caddaysay in Somaliland ay awood u leedahay:

1. Soo saarista Calafka Xoolaha oo Casri ah,
2. Farsamaynta Caanaha, Hilibka, Beedka iyo Malabka,
3. Diyaarinta wax-soo-saar buuxiya shuruudaha suuqyada caalamka

5. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐‰๐’๐‹:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax:

Wasiirku waxa uu ka warbixiyey hab-sami-u-socodka hawlaha Wasaaradda, isaga oo sheegay in Horyaalladii dhammaan Gobollada dalka ay si guul ah u soo gabagaboobeen, isla markaana Horyaalkii Horyaallada lagu qaban doono magaalada Berbera 01.01.2026. Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in tartankii Gobollada Dalka uu ku jiro marxaladihii qorshayntiisa iyo diyaar-garowgiisa, si loo xaqiijiyo tartan heer qaran ah oo daahfuran.

Wasiirka ayaa ugu dambayntii sheegay in mustaqbalka dhaw ee Ciyaaraha Somaliland ku dhisnaan doono maalgashi joogto ah, tayaynta kaabeyaasha ciyaaraha, kobcinta hibada iyo hal-abuurka dhallinyarada, si ay ciyaaruhu u noqdaan aalad mideysa bulshada, horumarisa caafimaadka, sidoo kalena mustaqbalka fursado u abuurta jiilka soo koraya.

6. ๐‡๐š๐›๐ซ๐š๐š๐œ๐š ๐ƒ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฑ-๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐๐ค๐š 2025-๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in habraaca diyaarinta wax-qabadka Xukuumadda ee 2025-ka uu yahay mid muuqaal guud ka bixinaya wax-qabadka la taaban karo ee ay Xukuumaddu ku tallaabsatay muddo sannad ah, iyada oo laga duulayo ballanqaadyadii Xukuumadda, Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga, iyo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka JSL.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Wasaarad walba ay is dul taagto waxa u u qabsoomay, waxa ka qabyoobay iyo arrimaha u qorshaysan, iyada oo la adeegsanayo halbeegyada lagu cabbiro waxqabadka ee loo yaqaano KPI (๐—ž๐—ฒ๐˜† ๐—ฃ๐—ฒ๐—ฟ๐—ณ๐—ผ๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐—ป๐—ฐ๐—ฒ ๐—œ๐—ป๐—ฑ๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐˜๐—ผ๐—ฟ).

Dhinaca kale, Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu Golaha ka codsaday in la dardar-geliyo hannaanka wada-xidhiidhka Hayโ€™adaha Xukuumadda (Government Communication Strategy), si loo suurto geliyo Xukuumad leh hal cod, dhinacna u wada jeedda.

7. ๐ƒ๐จ๐จ๐๐๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda Mudane Cali Baashe Maxamed iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Mudane Xuseen Axmed Caydiid.

Waxa ay sheegeen in Siyaasadani tahay mid u gogol xaadhaysa samaynta Xeerka Guud ee Maamulka Dhulka Somaliland iyo siyaasadihii qaybaha kala duwan ee dhulka lagu maamuli doono. Waxa ay sheegeen in Siyaasadda Qaran ee Maamulka Dhulku ay abuurayso nidaam sharciyeed oo sugan, looguna maareeyo arrimaha dhulka si hufan oo caddaalad ah, kana hortagaysa khilaafaadka la xidhiidha dhulka.

Golaha ayaa ka dooday Siyaasadda Qaran ee Maamulka Dhulka, waxana loo ballamay in ay dooddu sii socoto fadhiga dambe, Idamka Allah.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐