


Fadhigii 31-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
πππ«ππ’π±π’π§ππ ππ«π«π’π¦ππ‘π ππ‘ππͺπππ₯ππ‘π, ππππ₯π’π²ππππ π’π²π¨ πππ€π‘π₯π’π π:
Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay dedaal badan oo ay samaysay Wasaaraddu gashay kadib, in guud ahaan hawlaha Dakhli ururinta Qaranka ee odoroska bisha August 2025-ka ay u socdaan sidii loogu talo galay.
Dhinaca kale, Wasiirku isaga oo ka hadlaya Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaraddu, iyada oo raacaysa Jadwalka Diyaarinta Miisaaniyadda 2026-ka, ay diyaarisay isla markaana dhammaystirtay dhammaan warbixinaha dhaqaale, siyaasadda iyo arrimaha mudnaanta leh ee saldhigga u ah Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka. Wasiirku waxa uu sheegay in wareegtooyinkii Diyaarinta Miisaaniyaddu ay gaadheen Hayβadaha Dawladda Dhexe, Hay’adaha macaashka sameeya iyo Dawladaha Hoose.
Wasiirku mar uu ka hadlayay arrimaha kobcinta iyo kordhinta Dhaqaalaha Dalka in ay si habsami leh u socdaan daraasadaha iyo qorshayaasha lagu xoojinayo Dhaqaalaha Dalka taasoo ay horseed ka yihiin Guddida sare ee Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada.
Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta.
πππππ πππππ πππ
Xigasho Xafiiska Afhayeenka M JSL






