Sidee ayay dalalka Carabta uga falceliyeen weerarka Mareykanka ee Iiraan?
Waxaa nasoo gaartay falcelin caalami ah oo badan saacadihii u dambeeyay ka dib markii Mareykanka uu duqeeyay goobaha nukliyeerka ee Iiraan.
Waddamada Carabta ayaa si degdeg ah uga jawaabey, halkan ka akhriso hadalka ay sheegeen:
Cumaan oo dhexdhexaadinaysay wada-hadallada nukliyeerka ee u dhexeeya Washington iyo Tehran, ayaa si adag u cambaaraysay duqaymaha Maraykanka ee goobaha nukliyeerka ee Iiraan.
Saldanadda Khaliijka “wuxuu muujinayaa walaac qoto dheer, iyo cambaareyn ku wajahan kororka ka dhashay duqeymaha tooska ah ee uu bilaabay Mareykanka”.
Sacuudi Carabiya, oo xiriir adag la leh Mareykanka, isla markaana ah mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee gobolka, ayaa sheegtay inay cambaareysay “ku xadgudubka madax-bannaanida Iiraan, waxayna carrabka ku adkeynaysaa baahida loo qabo xakamaynta”, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka “inay labanlaabaan dadaalka xaaladahan aadka u xasaasiga ah si loo gaaro xal siyaasadeed”.
Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa ka digtay in xiisadda halista ah ee hadda jirta ay horseedi doonto cawaaqib xumo heer gobol iyo heer caalami ah. Waxay sheegtay inay “rajaynayso in dhammaan dhinacyada ay ku dhaqmi doonaan xigmad iyo xakamayn waqtigan.”
Masar ayaa ka digtay “khatarta gobolka oo u sii gudbaysa fowdo iyo xiisad hor leh,” iyadoo ku nuuxnuuxsatay in “xalka siyaasadeed iyo gorgortanka dublamaasiyadeed, ee aan ahayn xal milateri, ay yihiin habka keliya ee looga bixi karo dhibaatada”.
Dhanka kale, Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun ayaa sheegay in “duqeynta xarumaha nukliyeerka Iiraan ay sare u qaadayso heerka cabsida laga qabo inay sii kororto xiisadaha khatarta ku ah ammaanka iyo xasilloonida in ka badan hal gobol iyo waddan”.
Bbcsomali





