Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sheegtay in magaalada Riyadh laga hawlgeliyay nidaamka digniinta hore iyo seeriga xaaladaha degdegga ah.

Tani waxay noqotay digniintii ugu horreysay ee noocan ah ee laga bixiyo caasimadda Sacuudiga tan iyo markii uu sii xoogaystay dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen.
Digniinta ayaa timid saacado kadib markii afhayeenka milatariga Xuutiyiinta uu sheegay in ay fashiliyeen waxa uu ku tilmaamay “falal dambiyeed” oo ka dhacay magaalada Sanca. Waxa uu falalkaas ku eedeeyay Sacuudiga, isaga oo sheegay in laga jawaabi doono.
Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa markii dambe, subaxnimadii Sabtida, sheegtay in xaaladdu caadi tahay.
Xuutiyiinta oo gacanta ku haya deegaannada ugu dadka badan Yemen iyo inta badan waqooyiga dalka, ayaa tan iyo markii Riyadh bishii July ku dhawaaqday go’doomin dhinaca badda ah, weerarro ku qaaday Sacuudiga iyo maraakiibta Sacuudiga ee ku sugan Badda Cas.
Xuutiyiinta ayaa tan iyo toddobaadkii hore si degdeg ah ugu sii fidayay dhulka Yemen, iyaga oo la wareegay dhammaan xeebaha Yemen ee ku teedsan Badda Cas.
Waxay sidoo kale sheegeen in diyaaradaha dagaalka Sacuudigu maalmihii u dambeeyay boqollaal duqeyn ah ka fuliyeen deegaannada ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan.





