Hargeysa(Qaran news)- Siyaasi Cali Maxamed Warancade ayaa jawaab ka bixiyay hadalladii colaadeed ee ka soo yeedhay Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay ka garracan yihiin aqoonsiga Soomaaliya.
Cali Warancadde wuxuu sheegay in beesha caalamku ay Soomaaliya u aqoonsatay dalalka aan u bislaan dawladnimada isla markaana sagaashameeyadii la geliyay dawladnimadooda kumeel gaadh, waxaanu xusay in markii 2012kii ay ka dalbadeen caalamka lagu wargeliyay in laga saarayo hase ahaatee laga doonayo in xornimadii ay kala tagtay Somaliland soo celiyaan.
Warancadde wuxuu ku dooday in dawladnimada Soomaaliya uu aqoonsiga Somaliland ka dhigayo maqaar saar.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya ay heshiisyo baddeed la galeen Itoobiya isla markaana ay Ciidanka Itoobiya joogaan dalkooda, hase ahaatee waxay ka xun yahay aqoonsiga Somaliland oo ay u arkeen inuu duminayo dawladnimadooda fashilka ah.