Siyaasi Axmed Muumin Seed oo lagu Xidhay Hargeysa
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed oo ka soo jeeda gobolka Awdal, ayaa caawa fiidkii lagu xidhay Magaalada Hargeysa.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dawladda Somaliland, haseyeeshee sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo ay isku deegaan yihiin ayaa laga soo xigtay xaqiiqada xadhiga siyaasi Axmed Muumun Seed oo indhowaale la safnaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Ma jirto wax lagu sababeeyay xadhiga siyaasigan, hase ahaatee waxa loo tirinayaa in xadhigiisu la xidhiidho isfahamka badda ee ay wada galeen Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo dawladda Itoobiya.