Caawa waxaa si toos ah la iiga horjoogsaday kulankii ay ku kulmayeen madaxweynaha iyo Ururada, markii aanu gaadhnay ilinkii hoolka kulanka, ayaa wiil qaabilsan baratakoolka madaxtooyada wuxuu keligay ii gelbiyey qol fadhi ah oo qurux badan kana soo hor horjeeda qolka uu kulanku ka dhacayey, wiilka ayaa igu wargeliyay inaan halkan fadhiyo inta kulanku dhamaanayo! Wiilka ayaan u sheegay inaanan meesha u iman in Fadhi qurux badan oo madaxtooyada yaal la i fadhiisiyo, waxaanan ka codsaday inuu mobilkayga ii keeno si aan u baxo.
Xubnaha loo yeedhay ayaa igu wehelinayay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka  Ogaal Party Roda Cabdi Muuse iyo Xoghaye Abdikhalaq awal Bari.
Markii aan soo baxay ayaan is weydiiyey labadan su’aalood:-
1. Tolow ma waxaa lagaa uriyey perfume kii Xisbiga Waddani?
2. Tolow ma waxaa lagaa raacay reer Abtigaa (dhulbahante) oo iyagaa xaqa ku taagnaa?
FG. Sawirku waa gudaha madaxtooyada oo badankeed iftiinku ku yar yahay!!!

Abdiraheem Deria

Guddoomiye ku xigeenka 2aad Urur Siyaasadeedka Ogaal

May be an image of 1 person and eyeglasses