Musharaxa xisbiga Reform ee UK ee u taagan xilka duqa magaalada magaalada Bristol, Arron Banks ayaa ku adkeystay hadal uu hore u sheegay oo ahaa in magaalada Bristol ay tahay “Soomaaliya yar”. Wuxuu ku eedeeyay dambiyada magaalada ka dhaca bulshada Soomaalida iyo kuwa ka soo jeeda dalka Romania.

Musharaxan oo ah ganacsade sidoo kalena ahaa deeqbixiyahii ugu weynaa ololihii ka bixista Midowga Yurub ayaa kowda bisha soo socota ee May u taagan doorashada duqa cusub ee gobolka.

Arron ayaa hadda dhaleeceyn kala kulmay hadal uu 2017-kii sheegay ee ahaa in “Bristol ay u egtahay Soomaaliya oo yar. Isdhexgalka iyo dhibaatooyinka”.

Koox reer Bristol ah ayaa dibadbax ka hor sameeyay labadii bishan Abril bannaanka xafiiska looga hadlayay doorashada. Mr. Arron wuxuu sheegay in uusan ka qeybgalin kulanka doorashada maadaama aan lagu martiqaadin, balse qabanqaabiyayaasha waxay sheegeen in loo diray cinwaanka xisbiga ee Bristol.

Siciid Cali waxa uu ka tirsan yahay madaxda jaaliyada Soomaalida ee Bristol, waxa uu sheegay in hadalka ka soo yeeray Arron uu yahay mid cunsuriyad ka muuqato.

“Arintaasi waa mid uu ku beegsanayay jaaliyadda oo runtii ah mid laga dhadhansan karo cunsuriyad aan geed loogu soo gabban” ayuu yiri Siciid Cali.

Siciid ayaa sidoo kale sheegay in dadka jecel isdhexgalka bulshada ee Britain u dhashay, gaar ahaan cadaanka ay kaalin weyn ka qaateen in ay “ka hor yimaadaan hadalka uu sheegay musharaxaas”.

“Dadkaas ammaan bay mudan yihiin, iyaga ayaad moodaa in ay naga orod badan yihiin, labadii bishan meel dood lagu qabanayay ayey mudaaharaad ku qabteen iyagoo leh waa cunsuri”.

Soomaalida iyo bulshada Romania ee ku nool magaalada ayuu ku eedeeyay Arron Banks in ay dambiyada qeyb ka yihiin. Labada bulsho ayaa magaalada ku soo kala horeeyay. Romaniyanka waxay UK yimaadeen badankood markii ay ku soo biireen Midowga Yurub oo loo furay albaabada UK, waxayna ka mid ahaayeen dalalkii ugu dambeeyay ee ku soo biira Midowga Yurub.

Soomaalida waxay soo galeen UK waqti hore iyadoo qaarkood ay ahaayeen badmaaxiin muddo hore yimid oo carruurtii ay ku dhaleen kuwii ay sii dhaleenna ay hadda waalidiin yihiin. Soomaalida waxay sidoo kale ka muuqdaan qeybaha kala duwan ee nolosha magaalada Bristol. Qaarkood waxay qabteen xilalka dowladaha hoose ee magaalada.

“Bulsho hadii ay meel degto khaladaad waa ka dhacaa laakiin bulshada Soomaalida waa kuwa ku suntan in ay shaqeystaan, ayna keenaan horumar, tusaale ahaan xaafada Soomaalida ugu badan ku nool yihiin waxaa ku taal waddo la yiraahdo Stapleton oo aheyd meel xabadaha ay ka dhacaan, hadana dukaamo Soomaalidu leedahay ayaa ka furan, waxay noqotay meel dib loo dego”.

Siciid wuxuu sheegay in Soomaalida codkoodu uu muuqdo, ayna garaynayaan halka ay siinayaan codka marka ay doorashada timaado.

“Soomaalida codkoodu wuu muuqdaa, waana jaangooyaha doorashada ka dhacda magaalada

bristol

Xisbiga Reform ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xisbi xagjir ah oo inta badan ka horjeeda soo galootiga. Saameyn ayuuna ku leeyahay doorashooyinka dalka inkastoo uusan awood weyn lahayn.

Doorashadii raysalwasaaraha UK ee u dambeysay waxaa la sheegaa in uu qeyb weyn ka qaatay in xisbiga muxaafadka lumiyo kuraas badan.

Kursiga uu u tartamayo musharaxa xisbiga Reform, Arron Banks, ayaa la saadaalinayaa inuu loollan adag kala kulmo musharixiin ka socda labada xisbi ee kala ah muxaafidka ama shaqaalaha.

Kursigan waa ka duwan yahay kan duqa magaalo oo caadi ah. Waxa uu noqonaya duq dhowr magaalo.

Magaalada Bristol waxay leedahay taariikh lala xiriiriyo addoonsiga. Sanadkii 1698-dii ayaa ganacsatada magaalada la siiyay ogolaasho xaq u siinaya in ay ka ganacsadaan dadka la adoonsanayo. Howshaas waxay socotay ilaa nidaamkas la joojiyo 1807-dii.

Magaalada waxay laheyd taallo lagu xusuusanayo addoonsigaas taas oo dibadbaxayaal careysan ay burburiyeen xili uu socday dibadbaxii Black Lives Matter ee Bristol.

Taallada marka ay mudaharaadayaasha dhulka soo dhigeen waxay billaabeen taalladi oo dhulka taalla in ay sawirro ka qaadaan iyaga oo ku faraxsan taallada in ay dhulka soo dhigaan

Bbcsomali