“Is-Yeel-Yeelka Nimanka Xilka inoo Haya ee ka tirsan Xukuumadda Somaliland”
WQ. Yuusuf Kayse Cabdilaahi
“Wasiir Saleebaan Cali Koore Waxaa uu Yidhi Maanta isaga oo waliba cod dheer ku dhawaaqaya Xisbiga Qaranka ee Waddani
Yaab badnaa !!!
Ninkan wasiirka ee hada sida leh waa Saleebaan Cali Koore kii Billo Ka hor-na isla isagu uun ina Lahaa Ururka Waddani !!!
Waxay Cadayn iyo Tusaale Nool u tahay Isyeel yeelka iyo laba wajiilaynta Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee maanta ina hor joogta ee La Kuftay Hogaamintii Masiirka Ummadda JSL Somaliland ee hadana aan waxba kala xishoon ee waxay maalinba la noqoto ama dantooda u arkaan raga Xukuumadda ka tirsani inay ina la soo hor joogsanayaan uun.
Waana mid reer Somaliland maanta yar iyo wayn qof iska inoo muuqata Xaalka ay marayso Xukuumadan Talada Xun ee Sharci iyo Dastuur Midna Ku Shaqaynayn Maalinta ay Dan kaa Leedahayna Magacaaga Saxda Iyo Sharci-nimadaada Kuugu Yeedhayso Maalinta Danteeda ay Kaa Arki waydana Indho-isku qabasho,Masabid iyo Sharci-daro kula dhaqmayso.
Somaliland Xisbiga Kulmiye inay Eeday cidii uu hore shaki ugaga jiray maantaba ha aragto Aataar Xumadeeda.”
May be an image of 2 people and text