Somaliland:𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐁𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐒𝐮𝐠𝐚𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐎𝐨 ka maquurtay.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Axmed Toorno oo laga sugaayay golaha wakiilada ayaa mar kaliya lagu war helay inuu ku sugan yahay dalka Sucuudiga oo uu si hoose ugu baxay, isaga oo golaha soo wargelin.
Wasiirka oo ay u yeedhay gudida dabagaka iyo ilaalinta hantida qaranka oo doonaayay inuu hor yimaado si ay wax uga waydiiyaan shaqadiisa ayaa ka maquurtay.
Gudiga oo golaha saaka soo xaadiray diyaarna u ahaa inay la kulmaan Wasiir Toorno ayaa wakhtigii balantu gaadhay xidhiidh ay la sameeyeen waxa uu si kadis ah ugu sheegay inu ku sugan yahay Cumrada, taas oo fajac iyo ama kaag ku noqotay gudiga maadaama oo aanay isku ogayn oo ay sugayeen.
Gudiga ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ayaa la filayaa in kiiska wasiir Torno ay horgayn doonaan gola waynaha, maadaama oo laga sugaayo warbixintiisa.