“Somaliland halka ay maanta joogto waxa gaadhsiiyay Muuse iyo Saleebaan Gaal” CalI Guray

Hargeysa- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa sheegay inay Somaliland talladooda meel xun ku dhigeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal).

Cali Guray oo maanta u warramay Telefishanka Saab, waxa uu eedo kulul u jeediyay Muuse iyo Saleebaan waxaanu yidhi “Labada nin ee Somaliland halka ay maanta joogto gaadhsiiyay waa Muuse iyo Saleebaan Gaal oo aan qabo Somaliland inay talladooda ku jabayso. ninka qudha ee inoo hadhay waa Cabdiraxmaan Cirro oo labadooda kana garasho badan, kana daacadsan oo ka damiir wanaagsan.”
“Waxaan leeyahay dhammaan isbeddel doonka Somaliland salaada ha ku xidhaan Cabdiraxmaan Cirro, hana sugaan mowqifkiisa, waxaan leeyahay taageereyaasha mucaaridka salaad bilaa iimaan ah lama tukadee suga,”ayuu yidhi Cali Guray.
Cali Guray wuxuu sheegay haddii aan dalka loo gurman halka ay marayso inay u muuqato inay Somaliland dhammaad ku dhowdahay.
“20 bilood ka dib lama hayo doorasho madaxtooyo iyo doorasho la isla ogol yahay, waxa dhexda la inanga soo tuuray doorasho Ururro la yidhaahdo oo aan xeer lahayn, Maxamuud Xaashigii ogolaadayna wax uu ogolaaday ma jirto, Faysal Cali Waraabe oo diidayna wax uu diiday ma jirto,”ayuu yidhi Cali Guray.

waxa kaloo uu ka dayriyay dagaal labaad oo sokeeye haddii aan loo gurman dalka, waxaanu tilmaamay in gobolka Sool lix bilood uu ka socdo dagaal khasaare balaadhan iyo riiq reebay.
“Xisbiyada mucaaridka gari Alle ayay taqaanaaye waa laga gardaran yahay, Garxajisna oo mucaaridka taageerana waa laga gardaran yahay, markaa haddii laga gardaran yahay waxa dhibaatadu noqotay in aanay jirin cid Muuse qabanaysaa,”ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf.