Maamulka Puntland ayaa sii daayay maxaabiis ka soo jeedda Somaliland oo ku jiray jeelasha maamulkaas, kuwaas oo gaaraya ilaa 15 maxbuus.

Diyaarad sidda maxaabiistaan oo ku sii jeeda Hargeysa ayaa ka duushay magaalada Garoowe, iyadoo wararku ay sheegayaan in marka ay soo laabanayso diyaaraddu ay soo qaadi doonto maxaabiis dhanka Puntland ka soo jeedda oo gaaraysa 11 maxbuus oo Somaliland ay horey ugu qabatay dagaalkii ka dhacay Laascaanood.

Sida muuqata Puntland iyo Somaliland ayaa is dhaafsanaya maxaabiistaan ay horey ukala qabsadeen, waxaana arrintaan ay ku timid wadahadal dhex maray labada dhinac.