Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib u soo nooleeyay amarkii ugu horreeyay ee xayiraadda dhanka socdaalka ah goor dambe oo Arbacadii ah, isagoo ka mamnuucay inay soo galaan dadka ka imaanaya 12 waddan, oo ay ku jiraan Afghanistan, Iran, Libya, iyo Soomaaliya. Baaqa ayaa sidoo kale khuseeya Burma, Chad, Congo, Eritrea, Haiti, Sudan, Yemen, iyo Equatorial Guinea. Dadka dhaleeceeya ayaa siyaasadda ku tilmaamay mid takoorid ah, halka maamulkuna uu sabab uga dhigay arrimo amni.

Hadaba xayiraada la saaray 12’kaasi dal ee kor ku xusan kuma jirto Jamhuuriyadda Somaliland sida ay dawladda Maraykanku ku cadaysay khariidada ay baahisay xukuumadda Maraykanku sida ku cad halkani hoose.