Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cismaan Afgaab, ayaa shalay si rasmi ah u soo xidhay kulan wada-tashi ah oo socday labo maalmood, kaas oo diiradda lagu saarayay Xeerka Badda Somaliland. Kulankan waxaa ka qayb galay khubaro iyo aqoonyahanno dhanka sharciga ah, iyadoo ujeedadu ahayd in si qoto dheer loo falanqeeyo muhiimadda xeerkan iyo sida uu u xoojin karo ilaalinta xuquuqda qaranka ee badaha Somaliland.
Xeerkani wuxuu noqonayaa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee ilaalinaya khayraadka badda iyo ka hortagga khataraha ka imaan kara sharci-darrooyinka caalamiga ama kuwa deegaanka ah. Wasiir Cismaan Afgaab ayaa carrabka ku adkeeyay in xeerkan uu yahay mid astaan u ah madax-bannaanida iyo mas’uuliyadda Somaliland: “Xeerkani waa xuduudaheenii, waa baddeenii oo sida aynu dhulka u leenahay baynnu badda na u leenahay,” ayuu yidhi. Hadalkan wuxuu muujinayaa in Somaliland ay si dhab ah u aqoonsan tahay muhiimadda badaha iyo doorka ay ku leeyihiin dhaqaalaha, amniga, iyo sumcadda caalamiga ah.
Kulankan ayaa sidoo kale xoojiyay muhiimadda iskaashiga iyo ka qayb-galka khubarada maxalliga ah iyo kuwa bcaalamiga ah. Wasiirka ayaa mahadcelin u jeediyay ka qaybgalayaasha, isagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay ka shaqaynta arrintan muhiimka ah: “Waxa aan idiin mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad uga qayb qaadateen, taas oo ina tusaysa muhiimadda xeerkani leeyahay.” Tani waxay caddeyn u tahay in Somaliland ay u diyaar garowday in ay ku dhaqaaqdo sharci badeed oo casri ah, oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah.





