Somaliland oo ka Hadashay weerar maanta ciidamada lagu soo qaaday

Hargeysa(Qaran)-Wasaarada Gaashaandhiga oo ka hadashay weerar maanta maleeshiyaadka huwantu soo qaadeen

Ciidammada Somaliland waxay kala kulmeen weerar iskudubarid ah kooxo ka tirsan maleeshiyaadka Laascaanood, maamulka Puntland iyo koox argagxiso ah oo ka hawlgala Laascaanood waa sida uu warkaasi u dhignaaye.

War saxaafadeed galabta ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga JSL ayaa lagu sheegay in weerarada lala beegsaday dhulal kala duwan oo dalka ah.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa ku bogaadisay Ciidammada Qaranka sida fiican ee ay uga jawaabeen, si fiicana u difaaceen dhulkooda.

Qoraalka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in ciidamada Qaranku weerar jawaabcelin ah qaadeen.

Kama laabanayno inaan dhulkayaga ka difaacno isbahaysigan qaska iyo burburinta wada.”