Warbixin lagu qiimeynayo xorriyadaha siyaasadeed iyo kuwa madaniga ah ee adduunka oo ay soo saartay Hay’adda Freedom House ayaa lagu shaacisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay kaalmaha hore kaga jirto halbeegga heerka dowladnimada iyo dimuqraadiyadda. Warbixintan oo ah mid sanadle ah, waxay Somaliland siisay dhibco dhan 47/100, taas oo muujinaysa hannaan dowladnimo oo casri ah, kaas oo suurtageliyay doorashooyin iyo xasillooni ka dhex dhalatay gobol ay dhibaatooyin badani ragaadiyeen.

Warbaahinta AfriNews 24 oo falanqayn qoto-dheer ku samaysay warbixinta Freedom House ayaa xustay in qiimayntani ku soo beegmayso xilli dimuqraadiyadda adduunku ay hoos u dhacayso, halka Somaliland ay muujisay inay tahay dal ka duwan gobolka Geeska Afrika intiisa kale. Sidoo kale, waxay tilmaantay in dhibcaha 47/100 aanay ahayn tiro iska timid, balse ay yihiin muraayad ka turjumaysa nidaam siyaasadeed oo hufan oo ka hanaqaaday gobol ay hadheeyeen xasillooni darro iyo colaado. Waxa kale oo la iftiimiyay sida Somaliland, iyadoo aan haysan aqoonsi buuxa ay u dhisatay nidaam dimuqraadi ah oo shaqaynaya.

Warbixintu waxay sidoo kale sharaxday geeddi-socodka dhismaha dowladnimada casriga ah ee Somaliland, waxaanay tidhi warbixintu “Somaliland waxay bilowday dhismaha dowladnimadeeda 1991-kii kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Halkii ay ku tiirsanaan lahayd taageero shisheeye, waxay adeegsatay hal-abuur maxali ah iyo nidaam iyada u gaar ah oo ku dhisan isku dhafka hiddaha, dawladnimada iyo mabaadiida casriga ah ee dimuqraadiyadda (hybrid system). Nidaamkan ayaa ka caawiyay inay ka fogaato colaadaha baahsan ee saameeyay dalalka deriska ah.”

Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay soo bandhigtay sababaha ugu waaweyn ee Somaliland ku gaadhay heerkan kuwaasi oo ay ku tilmaantay sidan: “Sababta ugu weyn ee ay Somalilnad ku gaadhay heerkan isla markaana loo siiyay kaalintan sare (score 47) waxa weeye:

Doorashooyin joogto ah: Somaliland waxay qabatay doorashooyin madaxtooyo iyo baarlamaan oo ku dhisan tartan daah-furan oo xor iyo xalaal ah, kuwaas oo si nabad ah ku dhacay, isla markaana suurtageliyay isbeddelka awoodda iyo xukunka dalka oo nabdoon.

Hay’adaha dowliga ah: Waxaa jira hay’ado fulineed, sharci-dejin iyo hay’addo garsoor oo si madax-bannaan u shaqaynaya, kuwaasi oo si dhab ah uga hortaga in awooddu meel qudha ku ururto. Sidoo kale Somaliland waxay leedahay nidaam si cad u dammaanad qaadaya xorriyaadka madaniga ah. Muwaadiniintu si firfircoon ayay uga qaybqaataan doodaha siyaasadda, ka qayb-galka siyaasadda iyo nolosha dadweynaha, iyadoo ay jiraan warbaahin madax-bannaan iyo ururro bulsho.”

Warbixintu waxay sidoo kale fasiraad qoto-dheer ka bixisay muhiimadda dhibcaha 47/100 iyo macnaha dhabta ah ee ay leedahay kaalinta hore ee ay Somaliland ka gashay qiimeynta halbeegga heerka dowladnimada iyo dimuqraadiyada adduunka, iyadoo sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland lagu daray dalalka Xorta ah (Partly Free). Taas oo ay warbixintu ku macnaysay in dalka Somaliland gaadhay heer dhexdhexaad ah oo dhinaca xuquuqda siyaasadeed iyo xorriyadaha madaniga ah.

Ugu dambayn, warbixintu waxay isbarbardhig ku samaysay Somaliland iyo dalalka kale ee gobolka, iyadoo lagu soo gabagabeeyay: “Marka la barbardhigo dalalka dhibcahoodu hooseeyaan, Somaliland waxay muujisay in horumarku aanu ku xidhneyn hanti ama aqoonsi oo keliya, balse uu ku xidhan yahay adkaynta nidaamka gudaha. Dhibcaha 47/100 waxay muujinayaan nidaam dowladnimo oo hufan oo sii koraya, kuna guulaystay inuu xasillooni ka dhex abuuro duruufo adag iyo gobol ay hadheeyeen colaado baahsan. Sidoo kale tani waxay caddaynaysaa in horumarka Somaliland aanu ku dhisnayn hanti ama aqoonsi, balse uu ku yimid go’aan siyaasadeed iyo nidaam gudaha ah oo adag.”