Hargeysa,(Qaran news)-Guddoomiyaha Dalladda ururrada bulshada rayidka ah ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa ku baaqay in la qabto qoddobadii u gogol xaadhayay qabsoomida doorashooyinka isa saaran ee madaxtooyadda iyo ururrada siyaasadda ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan Bisha November 2024ka.

Guddoomiyaha Dalladda SONSAF wuxuu ka digay in mar kale aynu dib ugu noqono murankii laga soo gudbay ee la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka. Waxa kaloo uu soo bandhigay qaybooyin u baahan in wax laga qabto inta aanu wakhtigu is gurin.

Anwar Cabdiraxmaan Warsame wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray caawa oo u qornaa sidan:-
“Wixii aan la hurayn horaa loo yeelaa, waxaynu ognahay in Somaliland inteedii badnayd, gaara ahaan daneeyayasha doorashooyinku ku heshiiyeen in doorashada isa saaran ay qabsoonto bisha November 2024, sidaas oo ay tahay waxaad moodaa in shaqaadii loo baahnaa in la qabto doorashada ka hor aanay si fiican u socon.

Qoddob ka mida Xeerka doorashooyinku waxuu sheegayaa in afar bilood ka hor la soo gudbiyo magacyada musharixiinta ku tartamaya doorashooyinka, marka afartàas bilood laga jarana, wakhtiga aynu haysanaa waa Siddeed bilood oo kaliya.
Ansixintii iyo dhamays tirkii xeerka doorashada iyo khilaafkii Komishinka Doorashooyinkuna weli ma dhamaystirna, intaaso oo dhammi waa asbaabo keeni kara in aynu dib ugu noqon murankii ma dhalayska ahaa ee aynu ka soo gudubnay.

Waxaan ugu baaqayaa hay’ayadaha Qaranka iyo cid kasta oo ay khusayso in laga wada shaqeeyo dhamaystirka hawshaas.”