Somaliland ayaa ku dhawaaqday qodista ceel shidaal oo hore looga sahamiyey deegaanka XOOD oo ka tirsan degmada Qoryaalle ee Gobolka Togdheer.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu furayay shidaalka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Somaliland ay bilaabeyso qodista shidaalka dalka.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in shacabka Somaliland uu ugu bishaareynayo in “dalka shidaal laga soo saarayo maadaama ay in badan is weydiinayeen goorta uu dalka shidaal yeelanayo”.
“Waxaan ugu bishaareynaa ugu dambeyn in qodista shidaalka Somaliland uu bilaabmayo 2027”.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xitaa ay suuragal tahay in waqiga uu sheegay uu ka soo hormaro oo la bilaabo sanadka soo socda ee 2026.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalka ay ku jiraan macdano badan oo dunida qaali ka ah, taas oo in ay soo saaraan ay u furan tahay cid kastsa oo lagu “kalsoonaan karo” oo diyaar u ah in ay iskaashi kala sameyso Somaliland.






