Ra’iisal wasaaraha UK, Rishi Sunak, ayaa shirkii G7 ee dhawaan ka dhacay dalka Japan ka sheegay in waddankiisa uu dhaqaalo badan ku bixin doono mshaariicda horumarinta.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdiisa ay ka hor dhammaadka 2027 diyaarin doonto 40 bilyan oo dollar si maalgashi gaar ah iyo mid dowladeedba loogu sameeyo kaabayaasha muhiimka ah balse la dayacay ee waddamada soo koraya.

Dalalka G7 ayaa sanadkii 2021 shaaciyay qorshe lagu maalgalinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah dalalka saboolka ah iyo kuwa heer dhexaadka ah, sida buundooyinka, wadooyinka iyo tamarta aan deegaanka wax u dhimin.

“Waan ognahay awoodda isbedal ee uu keeni karo maalgashiga ay sameeyaan shirkadaha gaarka ah. Waxa ay naga caawiyeen in aan dekado ka dhisno Senegal iyo Somaliland, mashaariic quwadda biyaha laga dhaliyo oo aan ka hirgelinay Rwanda iyo tamarta dabeysha oo aan ka dhisnay Hindiya,” ayuu Sunak ka sheegay shirkii G7.

Waxa uu intaa raaciyay in dalkiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta in laga gaadho guul-gaara maalgashiga lagu sameeyo kaabayaasha dalalka, si bulshooyinka waddamadaas looga saaro faqriga.