Shacabkii Imaraadka Carabta oo Somaliland ka difaacaya Carabtii Kale,
Aqoonyahanka iyo falanqeeyaha reer Imaaraad (UAE), Hind Al-Dhahiri ayaa sheegtay inay Jiraan Dalal adeegsanaya magaca taageerada Falastiin si ay Somaliland ugu hayaan go’doon, kuwaas oo ay dhab ahaantii ujeedadoodu tahay danaysi siyaasadeed iyo diin-ku-ganacsi.
Al-Dhahiri ayaa hoosta ka xariiqday in isku-dayada lagu cabudhinayo Somaliland ay salka ku hayaan damac ku aaddan xakameynta iyo bililiqaysiga hantida marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Waxay tidhi Sidan “Kuwa dadka kale ku shaabadeeya ‘Zionist’ (Sahyuuni) waa isla xoogagga quusashada taagan ee doonaya inay Somaliland ku hayaan meel go’doon ah oo xidhan”.
“Somaliland waa qaran, ma aha arrin uun lagu gorgortamo”
Maalmahan danbe soo kordhaysay taageerada aqoonyahanka iyo dadka saamaynta ku leh dalka Imaaradka Carabta UAE, ay u muujinayaan qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland,





