Saxafiyada Bushaaro Baandayo ayaa lagu xidhay Degmada Wajaale, Sababta Xadhigeeda si rasmi ah looma xaqiijin.
May be an image of 1 person and scarf
Wariye Bushaaro Baanday ayaa ah wariye madax banaan isla markaana diyaarisa barnaamijo qoto dheer oo aay aad ugu juur gasho hadba xaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ka taagan.
Barnaamiyada ay diyaarisana wax ay ku soo bandhigtaa cadaymo iyo dabagalyo ay saayso, sidoo kale waxa ay waraysiyo aad u kul kulul la yeelataa ama ka qaadaa xubnaha masuuliyiinta mucaaridka iyo golaha wakiilada kuwaasi oo ay dhibsadaan xukuumadda Muuse Biixi