Soomaalida ku go’doonsan Khartuum oo loo raadinayo qaabkay uga Bixi lahaayeen magaalada

Dagaalka Khartuum

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan ayaa sheegtay in ay waddo qorshe lagu daadgureynayo qoysaska nugul ee ku go’doonsan Khartuum, xilli uu maalintii shanaad galay dagaalka u dhexeeya milateriga iyo xooggaga RSF ee waddankaas.

Xabbad joojin shalay ay shaaciyeen Jen. Cabdifitaax al-Burhan iyo Jen. Maxamed Xamdaan Dagalo oo kala hogaaminaya dhinacyada dagaallamaya ayaa dhaqangeli weyday.

Jugta hubka culus iyo guuxa diyaaradaha dagaalka ayaa tan iyo xalay laga maqlayay Khartuum, iyadoo aan la ogeyn cidda gacanta ku haysa xarumaha muhiimka ah.

Madaxda Kenya, Jabuuti iyo South Sudan ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan caasimadda Sudan si ay u kala dhex galaan dhinacyada dagaallamaya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sudan, Maxamed Sheekh Isxaaq Ibraahim, ayaa BBC-da u sheegay in ilaa haatan aanay jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray Soomaalida ku nool Khartuum.

Jaaliyadda Soomaalida ee Sudan oo u badan arday ayaa tiradooda lagu qiyaasay in ka badan saddex kun oo qof, sida uu sheegay danjiraha.

“Waxaa jirtay in arday Soomaali ah oo gabdho u badan ay ku go’doomeen guryaha jaamacadda ugu weyn Sudan oo meel u dhaw uu dagaal ka socday, balse markii dambe halkaa waa laga saaray. Waxaan go’aansanay in ardaydaas la geeyo guryo ku yaalla xaafada magaalada ee aanu dagaalka ka socon,” ayuu yiri danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Safiirka ayaa sheegay in ay wadaan qoshe qoysaska Soomaalida ah looga saarayo Khartuum, oo lagu geynayo gobollada xuduudaha ku yaalla si ay ugu gudbaan dalalka deriska la ah Sudan.

“Maadaama uu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee Khartuum, ayna adag tahay in xilli dhaw dib loo furo, waxaan go’aansaday in qoysaska Soomaalida ah ay u sii dhawaadaan xuduudaha ay Sudan la wadaagto dalalka South Sudan, Itoobiya iyo Masar oo ay gawaari qaataan, inkastoo ay cabsi ka jirto wadooyinka,” ayuu yiri danjiraha.Tirada Soomaalida ku nool Sudan ayaa aad hoos ugu dhacday tan iyo markii uu dalkaas ka dhacay afgembigii meesha looga saaray Madaxweyne Cumar al-Bashiir.

Sudan waxaa wax ku soo bartay kumannaan Soomaali ah oo qaarkood ay xilal sare ka hayaan dowladda Federaalka.

Soomaalida Sudan

Maxaa la isku hayaa?

Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga.

Xooggaga RSF waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Dagalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.

Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.

Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.

Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo.