Xaafadda dabaqadda dhexe ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si weyn loogu baroor-diiqayaa qoyska Fatxi Xuseen oo 26-jir ah.
Waxay ka hadlayaan argagaxa maalmihii ugu dambeeyay ee nolosheeda.
“Dadkii ka badbaaday ayaa inoo sheegay inay gaajo u dhimatay,” Samira, oo ah gabar la dhalatay Fatxi ayaa khadka taleefoonka sidaasi ugu sheegtay BBC.
“Waxay ku jireen badda muddo 14 maalmood ah, dadku waxay cunayeen kalluun ceeriin ah, waxayna cabayeen biyaha badda taasoo ay diiday. Waxay sheegeen in ay bilaawday inay aragto waxyaabo dhalanteed ka hor inta aysan dhiman ka dib maydkeedii waxay ku tuureen badda.
Maamulka deegaanka ayaa sheegay in Fatxi ay ka mid ahayd 24 qof oo Soomaali ah oo ku dhintay labo doonyood oo ay la socdeen ku dhawaad 70 qof oo ku dagtay xeebaha Madagascar.
Dadka badbaaday ayaa sheegay inay isku dayayeen inay gaaraan jasiiradda Mayotte ee dalka Faransiiska, taasoo ah waddo cusub oo khatar ah oo ay maraan Soomaalida magangelyo doonka ah
Ballanqaad nolol cusub
Inta yar ee nasiibka u yeelatay ee ka badbaadaan jidkan halista ah waxa ka mid ah Khadar Maxamed.
Waxa uu yimid Mayotte kow iyo toban bilood ka hor, laakiin waxa uu aad u xusuustaa dhibaatadii foosha xumayd ee uu u soo maray si uu u gaaRo jasiiradda yar ee Madagascar.
“Markii aan imid Madagascar, waxaa la i geeyay guriga mulkiilaha doonta, waxaan joognay halkaas 14 maalmood, waxaan ahayn Soomaali iyo kuwa kale oo ree Madagascar ah,” ayuu yiri.
Kooxda doonta sugaysay ayaa gaartay 70 qof. Waxa la saaray doon, waxaana la sii mariyay webi si ay ugaaran badweynta.
Khadar ayaa sheegay in uu Soomaaliya uga soo tagay xaalad amni oo jirta. Waxa uu aaminsan yahay in uusan haysan wax kala doorasho maadaama noloshiisa ay halis ku jirtay sababtoo ah waxaa uu sheegay inuu bartilmaameed u ahaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
“Dalkayga waxaan uga soo tagay badbaadadayda. Waxaan ahaa milkiile ganacsi, mana awoodin in aan shaqadayda qabsado al-Shabaab darteed,” ayuu yiri.
Qoysaska dhibanayaasha oo aan la hadalnay ayaa BBC-da u sheegay in eheladooda ay nolol cusub u ballan qaadeen dadka wax tahriibiya sidaas darteed waxay bixiyeen lacag dhan 6000 oo doolar si ay uga safraan Mombasa ilaa Mayotte. Kala bar lacagtaas ayaa la sii bixiyaa. Qaar badan sanado ayay ku qaadan kartaa inay kaydiyaan lacagtaas.
BBC-du waxay aragtay akoonnada barta bulshada ee TikTok ee lagu xayaysiisyo safarro lagu tagayo Mayotte iyo xitaa meelo kale oo Yurub ah.
Xayeysiintu waxay tilmaameysaa in hawl-wadeenadu ay dadka geyn karaan Mayotte iyagoo isticmaalaya doomo dalxiis oo waaweyn, laakiin qoysaska dhibbanayaasha ayaa sheegaya in mukhalasiinta ay isticmaalayaan doomo kalluumeysi oo aad u yaryar oo maxalli ah oo lagu magacaabo kwassa.
Dowladda Faransiiska ayaan ka hadlin musiibadan dhawaan dhacday. Laakin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Madagaskar ay ku wargelisay Tahriibayaal Soomaali ah oo la socday Labo Doomood oo ku qaraqmay Xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladdiisu ay dadaal ugu jirto sidii ay ula xiriiri lahayd dadkii badbaaday, dibna loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis ayaa BBC u sheegay Arbacadii in dowladdu ay wafdi u dirayso Madagascar toddobaadkan.
Dhanka kale waxaa weli baroor diiqaya qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadka dhintay.
Qoyska Fatxi ayaa sheegay in ay dacweeyeen ninkii wax tahriibinayay ee gabadhooda kaxaystay, ka dibna la xiray. Si kastaba ha ahaatee, markaasi ka dib ayaa waxaa lagu sii daayay dammaanad.
Samiira waxa ay sheegtay in iyada oo aan ogayn sida ay walaasheed dareemaysay daqiiqadaha ugu dambeeya ay tahay xanuun waligeed aan ka hari doonin.
‘’Waxaan jeclaan lahaa inay ila hadasho oo ay ii sheegto go’aankeeda. Waxay igu oran kartay nabad gelyo… hadda, ma aqaano sida aan ula qabsan karo dhimashadeeda, ayay tiri.
Bbcsomali