Suldaan Saleebaan Habaar ayaa goordhawayd bastoolad ki dhuftay suldaan Mahad Cararj oo ka mid ah salaadiinta beesha Isaxaaq Carre.

Toogashadan ayaa galabta ka dhacday Hudheelka Kaah oo ay isugu soo galeen labada suldaan.

Ma cada ilaa hada waxa sababay isku daygan dil hase ahaatee waxa ay dadka qaar sheegayaan in toogashadaasi ay salka ku hayso shirar ay labada Suldaan iskaga soo hor jeedeen oo lagu kala qabtay magaalada Hargeysa kuwaasi oo midna xukuumadda lagu taageeraaya xaga Suldaan Mahad uu shirkaasi ka soo hor jeedsaday oo uu sheegay in aan ragaasi ayna matalin beeshiisa

Labadan suldaan ayaa ka soo wada jeeda beesha Isaxaaq Carre

Suldaan Mahad ayay wararku sheegayaan in uu dhaawac ka soo gaadhay lugaha mana cada ilaa hada xaaladiisu sida ay tahay in kasta oo ay wararka qaar sheegayaan in aanu halis ku jirin.

Ciidanka booliiska ayaa goordhawayd xabsiga u taxaabay suldaan Saleebaan Habaar oo loo haysto toogashadaasi

Suldaan Habaar ayaa hore weerar gacan ka hadal ah hore ugu gaystay xildhibaan Gurije