Suldaan Maxamed Muuse Cune oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha wada Degan Cali Saahid

Hargeysa(Qaran news) Suldaan Maxamed Muuse Cune ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee wada degan Cali Saahid ee gobolka Togdheer oo mar kale shaqaaqo ka dhex dhacday dhawaan.

Suldaan Maxamed Muuse Cune wuxuu sheegay in aanu wax lug ah ku lahayn colaadaas waxaanu beelaha deegaankaas dega ugu baaqay inay caqli ku shaqeeyaan oo walaaloobaan isla markaana aanu qorigu ahayn xal wax laga faa’iidayo.

Suldaanku wuxuu intaas ku daray inuu khamiista u baxayo deegaankaas si uu nabadda uga shaqeeyo.

Suldaanku wuxuu beeniyay dad uu sheegay inay xidhiidhiyeen soo dayntiisa iyo shaqaadii Cali Saahid dib uga bilabantay, waxaanu tilmaamay in aanu arrintaasi shaqo ku lahayn, hase ahaatee isagu uu u taagan yahay walaalaynta labadaas ardaa oo uu tilmaamay inay yihiin dad is dhalay oo aan sina u kala tagayn.