Suldaan Maxamuud Guulleed oo Sheegay in dagaalka Beeshooda la gelinayo ay wadaan siyaasitiintii hor cararay Dagaalkii 1994kii
Hargeysa(Qaran news)- Suldaan Maxamuud Mire ayaa sheegay in shirkii beesha Habarjeclo uu ahaa mid nabadeed oo ku sallaysan inay is difaacdo oo kaliya.
Suldaanku wuxuu sheegay in beeshu shirkoodu ka dhashay markii beesha Dhulbahante soo weerartay deegaanadda Buqdharkeyn iyo Qorilugud, wuxuuna tilmaamay in baaqii suldaankooda guudna uu la xidhiidhay wax iska celiya oo ah is difaaca.
Suldaan Maxamuyd Guulleed wuxuu sheegay in dagaalku uu yahay mid siyaaasadeed oo ay wadaan kuwii hor boodayey dagaalkii 1994ki.
Wuxuuna tilmamay in loo baahan yahay in beeshu ay nabadda awooda saarto oo ay deegaanadoida ka dhigaan dekado qalalan oo ganacsi ka socdo, intii ay noqon lahaayeen meel dhaawaca lagu kala guro.
Sidoo kale wuxuu u soo jeediyay beesha Dhulbahante in laga arko nabadda ay doonayaan.