BAAQ NABADEED

Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii dadkii ku dhintay shaqaaqooyinkii ka dhacay Boorame. Waxaan eebe uga baryayaa inuu marxuumintaas janada ka waraabiyo. Waxaan sidoo kale eebe ka baryayaa in uu u booga dhayo intii dhaawac ka soo gaadhey.

Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee samaroon iyo ciise nabad. Waxaan isimada, cuqaasha, guurtida, waayeelka iyo waxagaradka beelahaas ee nabada caanka ku ah ugu baaqayaa, inay wax kasta ku xaliyaan wada hadal, Si dhiig aadane looga baaqsado Allaha weyna loogu dhowaado.