Tababar 3 Bilood Socday oo loo soo Gabogabeeyay Hawlwadeenno Caafimaad
Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Horumarinta caafimaadka oo kaashanaysa Hay’adaha: WHO, Afenet iyo Public Health of Sweden, ayaa soo gabagabaysay tababar socday muddo saddex bilood ah oo lagu tababarayay shaqaale caafimaad oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka.
Tababarkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii si deg dega looga jawaabilahaa Xaaladaha Degdegga ah iyo Xanuunnada Kediska ku Dillaaca.
Sidoo kale shaqaalihii tababarkan qaadanayay mudada saddexda bilooda ayaa wasaaradda iyo cidkasta oo gacan ka gaysatay uga mahadnaqay, iyaga oo ballan’qaaday, in aqoontii ay korodhsadeen ay ugu adeegi doonaan, dibna ugu celin doonaan bulshada Somaliland.
Gaba-gabadii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane, Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa siwada jira u bogaadiyay, una hambalyeey shaqalaha caafimaadka ee qaatay tababarkan muhiimka ah, waxa aanay xuseen in muddadii saddexda bilood ahayd ee uu socday tababarkani ay shaqaalahani korodhsadeen aqoon wax badan ka beddeli doonta, Kaydinta iyo U-kuur’gelidda Xogaha Caafimaad iyo sidii halhaleel looga jawaaabi lahaa kolka ay dhacaan ama ina la soo-dersaan Xaalado Caafimaad oo degdegga ahi.