TACSI

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Guddoomiyaha, Hoggaanka iyo dhammaan xubnaha Somaliland Intellectual Organisation (SIO) waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka, asxaabta, iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Mohamud Abdi Ali (Duaale), oo muddo dheer si hufan ugu soo adeegayey Qaranka Somaliland iyo guuahaanba Somalida meel kastoo ay joogaanba.

Marxuumku waxa uu ka soo shaqayey dhammaan warbaahinaha kala duwan ee af somaliga ku hadla dalka gudahiisa iyo dibadiisaba khaasatan waxa uu muddo dheer ka soo shaqaynaayey idaacadda BBC oo uu caan ku ahaa hal abuurnimo iyo khibrad saxaafadeed.

Marxuunku waxa uu caaw ku geeriyooday magaalada London.

Marxuum Duale wuxuu ka tegay taariikh ay ku suntan yihiin daacadnimo, karti, iyo u adeegid qaran. Doorkiisii warbaahineed iyo dedaalkiisii kuwaasoo lagu xasuusan doono.

Waxaan Alle SWT uga baryaynaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dembigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo.

Sidoo kale waxaan samir iyo iimaan Ilaahay uga baryayaa in uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, saaxiibbadiis iyo guud ahaan ummadda Somaliland iyo Somaliyaba.

Ilaahay ha u naxariisto Marxuum Mohamud Abdi Duaale , Janatul Firdowsana haka waraabiyo. Aamiin.

Mohamed Ali
Chairman of Somaliland Intellectual Organization