Taiwan iyo Somaliland oo sii balaadhiyey xidhiidhkooda, kuna kordhiyey Deeqaha Waxbarasho ee Millateriga

Dalka Taiwan ayaa shaacisay inay kordhisay deeqaha waxbarasho ee Ciidamada Milateriga loogu diro jaamacadahooda.
Munaasibad ay ka soo qeybgaleen Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, lix sarkaal oo loo xulay waxbarashada dalka Taiwan iyo masuuliyiin kale ayaa u muuqata tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo xidhiidhka laba geesoodka ah.
Munaasibada ayaa muujinaysa sida ay Taiwan uga go’an tahay amniga gobolka iyo iskaashiga ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo laga duulayo bilowgii barnaamijkan ee sannadkii 2023ka.
Barnaamijkan la balaadhiyay waxuu fursad siinayaa ardayda ka soo qalinjabisay dugsiyada sare ee Somaliland inay afar sano oo waxbarasho ciidan ah ku qaataan dalka Taiwan, kuwaas oo ka kooban maadooyin gaar ah sida Koorsooyinka Kulliyada Dagaalka, Koorsooyinka Taliska iyo Shaqaalaha, iyo Barnaamijyada Akademiyada Navy. Tababarkan waxaa bixin doona Jaamacadda Difaaca Qaranka ee caanka ah ee Taiwan (NDU), oo caan ku ah heerka sare ee waxbarashada milatariga iyo cilmi baarista.
Ambassador Lou, wakiilka Taiwan u jooga Somaliland, oo munaasibada ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay tayaynta iyo balaadhinta aqoonta dhinaca amniga iyo difaaca qaranka Somaliland. “Barnaamijkan, Somaliland waxay ku gaadhi doontaa nabad, xasillooni, iyo barwaaqo,” ayuu yidhi Ambassador Lou. “Taiwan waxa weli ka go’an inay taageerto Somaliland una sahamiso fursado dheeraad ah oo la xidhiidha iskaashiga amniga gobolka.”
Ambassador Lou waxa kale oo uu iftiimiyay jiritaanka horumar la taaban karo oo barnaamijka dhexdiisa ah, isagoo yidhi, “Waa wax lagu farxo in la arko 2 haween ah oo ka tirsan ciidamada milatariga oo la guddoonsiiyay deeq waxbarasho milatari oo Taiwan ah si ay u soo bartaan aqoonta Amniga Caalamiga ah. Odhaah Afrikaanka ayaa ah, ‘Haddii aad nin wax barato, shaqsi baad wax barataa, haddiise dumar wax la baro, ummad baad wax barataa’, waxaannu filaynaa inay soo badanayaan hablaha wax ku soo baran doona dalka Taiwan.