Taliska Booliska oo ka Hadlay Dhaawacii Xubno Bileys ahi u geysteen Xildhibaan
Hargeysa(Qaran news)-Taliska booliska Somaliland ayaa sheegay in xubno ka mida ciidanka oo waxyeelo u geystay xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, oo ka mida golaha wakiillada ay xidheen.
Sidoo kale taliska boolisku waxa uu hoosta ka xariiqay in saraakiil ciidan loo saaray sababta keentay in falka foosha xun dhaco.
Waxaa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska JSL waxaanu u dhigna sidan.
“Maanta abbaaro 9:30kii Subaxnimo waxa isku dhac dhexmaray Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, oo ka mida golaha Wakiillada Somaliland JSL iyo xubno ka mida Ciidanka qaranka JSL.
Waxaanay Ciidanku waxyeello gaadhsiiyeen Xildhibaanka.
Markii falkaasi taliska Ciidanka Boolisku ku war helay waxa uu degdeg talaabo uga qaaday askartii, isla marnaa uu xidhay.
Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu kiiskaasi u saaray xubno Saraakiila oo baadhaya Sababta arintaa foosha xun keentay”