Taliska ugu sarreeya ee ciidamada Iiraan, Khatam al-Anbiya ayaa ku hanjabay in Iiraan ay jawaab ka bixin doonto tallaabada Mareykanku ku qabsaday markab xamuul ah oo calanka Iran sitay, kaas oo ciidamada Badda Maraykanka ay rasaaseeyeen isaga oo kusii jeeda gacanka Cumaan, waxa uuna ku tilmaamay falkaas “jebinta xabbad-joojinta.”
Sida lagu sheegay bayaan ay baahiyeen warbaahinta dowladda, afhayeen ayaa sheegay in Mareykanku “jebiyay xabbad-joojinta isagoo rasaas ku furay mid ka mid ah maraakiibta ganacsiga Iiraan ee ku sugan biyaha Badda Cumaan, curyaamiyay nidaamka hagista, kadibna fuulay” isagoo adeegsanaya ciidamada Marines.
“Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay si dhakhso ah uga jawaabi doonaan oo uga aargudan doonaan falkaan burcad-badeednimo hubeysan ee ay sameeyeen ciidamada badda Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Reza Amiri Moghadam, safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan u fadhiya Pakistan, ayaa sheegay in “inta go’doominta badeed ay socoto, khilaafaadka” u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka “ay sii socon doonaan.”
Amiri-Moghaddam ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku yiri: “Ma sii wadi kartaan jebinta sharciga caalamiga ah, ma xoojin kartaan go’doominta, ma hanjabi kartaan Iran dembiyo dagaal oo dheeraad ah, ma ku adkeysan kartaan dalabaad aan macquul ahayn, ma ku tartami kartaan hadallo aan loo baahnayn, isla markaana aad iska dhigaysaan inaad ‘diblomaasiyad’ waddaan.”
Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inuu wafdi u diray Islamabad si ay wadahadal ula yeeshaan Iran, balse Iran waxay sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin inay ka qayb gasho wareegga xiga ee wadahadallada.
Bbcsomali





