
Taliyaha guud ee Ciidanka ilaalada Xeebaha JSL ayaa ka qaybgalay shir Faransiisku soo qabanqaabiyey oo ka dhacay Jibuuti .
Shirka uu soo taliyaha ciidanka faransiiska ee bariga iyo badhtamaha afrika qabtay oo ka dhacay dalka Jibuuti waxaa ka qaybgalay Taliyayaasha Ciidamada Ilaalada Somaliland , Yemen iyo taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Dalka Jibuuti , shirkan oo lagaga hadlayey arimaha badda cas ayaa ka dhacay saldhiga guud ee Ciidanka faransiiska ee dalka Jibuuti
Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye ayaa sharaxay doorka ay Somaliland ka qaadato ilaalinta biyaha gacanta iyo guud ahaanba bada cas arimaha la xidhiidha khataraha ka dhaca dhinaca badaha sida argagixsada , budhcad badeeda iyo waxyaabaha ubaahan in laga hortago .
Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha dalka Yemen Khaalid Axmed Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha dalka Jibuuti Wacays Cumar Boqore ayaa iyaguna dhankooda soo dhaweeyey iskaashiga dawladaha bada cas iyo in la sameeyo iskaashi ku qotama ilaalinta badacas iyo badaha la jaarka ah sida India Oceanka , bada Mediterranean Sea iyo badda cas
Taliyaha saldhiga faransiiska ee dalka Jibuuti sareeye gaas Sebastien ayaa sheegay inay mar walba barbar taagan yihiin dhamaan ciidamada ku teedsan badda cas iyo ilaalinta iyo ka hortaga xudgubyada aan sharciga ahayn ee ka dhici kara badaha , waxaa soo dhaweeyey taliyaaysha ka-kala socda mandaqada sida Somaliland , Yemen iyo Jibuuti .
Isla caawana Taliyaha ayaa casuumad ufadiyey Taliyayaasha ka kala socda wadamada Somaliland , Cadan iyo Jibuuti oo uu weheliya taliyaha Ciidanka booliska ee Jibuuti iyo saraakiil kale oo isugu jira kuwa caalamka ka socda iyo dalka Jibuuti
Waxaanu shirkaasi kusoo dhamaaday is afgarad iyo kawad-shaqaynta danaha ay wadaagan wadamadaasi iyo ilaalinta badda cas iyo badaha jaarka






