Ku: Suldaan Aadan Faarax.
Adeer oo Suldaan waan ku salaamay salaan ka dib sida uu Ilaahay markhaatiga iiga yahay, Ciidagalana uu wada og yahay adiguna aanad dafiri karin waxaad tahay Maskaxdii ka dambaysay in Ciidagale oo Boqolaal sano lahaa Suldaan keliya oo Isaaq oo dhana u ahaa Suldaanka Guud uu maanta yeesho 30 Suldaan oo aad ka mid tahay, halkaana ay ku macno beeshay Saldabadii Guunka ahayd
Waxaad tahay ninkii Shirkii Qotan ee 1997kii Sameeyay Suldaan lagu shiikhinayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillahi Sul.Abdilqadair Suldaankaas oo ahaa Suldaan Galaal Ilaahay labadoodaba ha u naxariisto Aamiin. Maalintaas ayaanay Talada Ciidagale noqotay Tusbax furmay iyo bilaa tawfiiq!!
Maantana waxa aad Adeer wadaa in ay Cabdi Ciise Gudahooda ama Reer Guuleed Suldaan ay yeeshaan laba Suldaan!!
Suldaan oo Adeer diga oo ixtiraam naga mudan, waxaanu kaa codsnaynaa in aad joojiso inankan yar ee Suldaanka Guud ah ee aad Titelkiisa u isticimaalayso sida qaldan taas oo Mustaqbalkiisa ka dhigaysa mid madow.
Maalin waxaad u gelinaysaa Tuute oo waxaad odhanaysaa dagaal ku dhawaaq, maalina waxaad odhanaysaa xaal ka bixi rag ku dhawaaqay nabad galyo iyo Islaax!! Arimahaas oo ka baxsan dhaqankii Silsilada Saldanada uu ku abtirsado ama uu dhaxlay!!!
Adeer Libaane inanka ha curdin dhadhinin oo Jagadaa uu haysto ee Lixda Qarni soo taxnayd ha ka dhigina waxaan macno lahayn!! Kaa daa in aad u isticimaasho Muuse Biixi oo kursiga ku sii jooga bilaa sharci!!
Allahu maa balaqtu!!
Osman Omar Dool!