TALO KA TIMID WAAYEELKA
Waxaa durba bilaabmay engagements iyo in dadka waayeelka ahi soo hadlaan. Waxay soo jeediyeen talooyin:
1. In aan taageerayaasheennu DABBAALDEGIN oo sidaa degen ee ay wax u socdaan lagu wado inta KDQku ku dhawaaqayo.
2. Muuse iyo Kahin waa dadka wax ku qaata kolba wixii la hirdhigo oo aan qorshe lahayn. Haday arkaan meel fawdo laga dhalin karo way ka faa’idaysanayaan.
3. Waxaa jira dad badan oo djalinyaro u badan oo Muuse cadaawad ku beeray, qaarkoodna loo diyaariyey rabshado iyo fawdo, hub badanna gacanta ku haya
4. Weli natiijadii rasmiga ahayd lama hayo, waxayna qaadanaysaa maalmo, dalkuna ma qaadi karo culaysniyo carcartan.
5. Dhanka kale yaan lays dhiganr ha laga shaqeeyo sidii tirinta codadka loo ilaalin lahaa oo loo kormeeri lahaa.
Sidaa darteed, marka laysku xooriyo waxay waayeelku ku taliyeen in TAAGEERAYAASHEENNA la dajiyo weliba kuwa GX loo sheego in aanay kalidood guulaysan oo Somaliland oo dhami guusha qayb ka ahayd, sidaa darteed aanay guusha kalidood cid ugu baani karin codadka ugu badanna muwaadiniinta kale u cideeyeen Madaxweynahooda.
Waayeelku hala hadlo waayeeelka kale ee dhanka kale ee Muuse la jiray, aqoon yahanka iyo ganacsataduna dhigooda xaaladda dalkana hala dajiyo.
Xusuusta, doorashadii 2017 magaalooyinka waaweyn waa laga joojiyey dabbaaldegyada, doorashadanina way kasii xasaasisan tahay dalkuna wuu ka nugul yahay, cadow badanina wuu ku xeeran yahay.