Ayuu ahaa Qadar ama Khadar kii Kayaabiyey Nabi Muuse cs?.

Nabigii Alle ee Muuse cs waxa uu ka mid ahaa Adoomihii Alle ee illaahay toos ula xidhiidhi jiray ama uu Alle toos ula hadli jiray, Hadaba Aadamuhu waa iska daciife waxa dhacday in uu Nabi Muuse cs uu is mahadiyey isaga oo Alle ku yidhi Alle-haygiiyow Mar hadii aan toos kugula hadlaayo Allihii I Abuurayow ma Cid ila Maqaam ah ama darajada aad I gaadhsiisay Cid kale oo gaadhay ayaa jirta?.

Alle waakii u sheegay in ay dunida kula nool yihiin Aadame Alle siiyey Cilmi iyo aqoon aad u saraysa, ee la faray in uu ka warkeeno, isaga oo Alle Wargeliyey Aadamahaa goobta uu ka helaayo, ee layidhi qooriga xeebta raac oo soco ilaa uu kaluunka kuu sahayda ahi uu Bada kaa galo ama kaa Quuso ama Maquurto!.

Nabi Muuse cs waxa uu ku noolaa deegaan markaa ahaa Masartii sare oo ahayd deegaanka xigay Dhanka maanta Tahay Suudaan, sikastaba ha ahaatee Nabi Muuse cs wuxuu usoo kicitimay socdaal isaga oo ku jihaysan dhankaa iyo geeska Afrika ama bariga Afrika isaga oo qooriga bada cas dacal socda, wuxuu socdo oo kolba kaluunkii sahayda u ahaa meel ku cunaba Maalintii danbe ayuu goob bada xeerigeeda ah fadhiistay siduu u quuto kaluunkii sahayda u ahaa, mise maba sito, suu socod Dib usoo raadraacay oo is yidhi malaha wuu kaa dhacay, hase yeeshee waxa uu soo gaadhay goobtii uu ku quraacday, mise waxa Jooga Nin, halkii ayuu ku garawsaday ninku inuu yahay adoonkii Alle ee uu goobaayey, kasoo ahaa Adoonkii Alle ee Qadar ama Khadar ama Khidar.

Khadar muu ahayn Nabi iyo Rasuul Midnaba se wuxuu ahaa Adoon Alle oo Illaahay aqoon iyo Cilmi uu ku galladay, halkii ayey iska raacay markii Nabi Muuse cs uu ogolaaday xujadii lagu xujeeyey oo ahayd Saddex jeer Hadaad Hadal ka keento Waxaan sameeyo waynu kala hadhaynaa, waana kii Nabi Muuse cs uu Khadar ka yaabiyey ee ay kala Hadheen.

Hadaba waxa is weydiin mudan Nabi Muuse cs iyo Khadar Afka ay kuwada Hadlayeen Afma ayuu ahaa? Sidoo kale Khadar ayuu ahaa? Xagee ayuu kasoo jeeday?.

Waa su’aalo wax ku ool ah, oo haboon tahayna inaynu isku dayno jawaab u helidooda.

Horta sida laysku raacsan yahay Nabi Muuse cs Afka uu ku hadli jiray wuxuu ahaa Afka layidhaahdo Afka Hooyo inkastoo ay dhici karto in degelkaa Faraaciinta ee Nabi Muuse cs lagu Anqariyey ee lagu Gardaadiyey ee lagu koriyey ee uu ku Qaangaadhay ee uu ka midka ahaa Afka Hooyo inay dhici karto Magac kale u yaqaaneen hase yeeshee waxa aanu Muran ka joogin in Afkii faraaciintii Hore ee qadiimka ahaa ay ku hadli jireen uu ahaa Afkii Sac-maalka ee noqday Afka-Hooyo.

Sida uu ku Cadeeyey soo bandhigiisa aqoonyahanka ruug-cadaaga ah Bare-sare Maxamed Siciid Gees, waa kii soo bandhigay ereyada xadiga weyn ee ahaa Afkii ay ku hadli jireen Faraaciintii hore ee ay ka qoraal tageen, sida uu xaqiijiyey Bare-sare Gees Qoraalka faraaciintu waxa ay ahaayeen xarfo Shiibanayaal ah oo may lahayn Shaqal,

Hase ahaatee ku dhawaaqida xarfahaasi eray ahaan waxay ku dhawaaqmayaan dhawaaq eray oo Afka………….. Lasoco Qormada danbe.

Raad raaca Taariikhda iyo

Rugsan waa lasahamiyaa.

Khadar Hooyoley Fartaag. 01-04-2024

Fartaagmuwaadin@gmail.com