Telefishanka Russia Today oo Warbixin ka Diyaariyay Qaddiyadda Somaliland oo la Horgeynayo Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ iyo Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Hsrgeysa(Qaran news)-Telefishanka Russia Today ee dalka Ruushka, ayaa warbixin ka sameeyay tallaabadii ay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay qaddiyadda aqoonsiga madax bannaanideeda ugu gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka ee ICJ.
Qareennada ayaa dhammaystiray
Kiiska ay ku metelayaan dawladda JSL, kuwaasi oo horgeyn doona maxkamadda caalamiga ah qaddiyadda Somaliland, sida uu shaaciyay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaland. Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Warsidaha RT, wuxuu tabiyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay madaxbannaanideeda ka qaadatay UK sannadkii 1960kii, iyadoo Soomaalidii kalena ka qaateen xorriyadooda Talyaaniga oo ay labadii dal ee xoroobay ay ku midoobeen “Jamhuuruyaddii Soomaaliya.”

Kadib dagaal qaatay toban sanno, Somaliland waxa ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991kii.

Inkasta oo aan la aqoonsan Somaliland waxa ay haddana cilaaqaad rasmi ah la leedahay dalal dhawr ah oo ay ka mid tahay Itoobiya.

Waxa kaloo ay Somaliland xubin ka tahay ururka ay ku bahoobeen dalalka aan la ictiraafsanayn “Nations and Peoples Organization (UNPO).”

Geesta kalena Heshiiskii is faham ee ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya 1di bishii January ee la soo dhaafay, waxay 20km oo saldhig millatari oo badda ah ay ka kiraysay Itoobiya.Heshiiskaas oo Somalilandna ku beddelanayso aqoonsi.

RT waxa uu soo bandhigay in Raysal-wasaaraha Itoobiya uu bartiisa X ku baahiyay in heshiiska badda ee ay galeen uu toos ugu aqoonsanayaan Jamhuuruyadda Somaliland,iyadoo ay Somalilandna damaanad qaaday inay Itoobiya ka kirayso saldhig millatari oo badda ah muddo konton sanno ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa caddeeyay in xukuumadiisu ay dedejinayso dedaalka ay ugu jiraan aqoonsi caalamiya oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka.Wuxuuna tilmaamay in heshiiska is faham uu saacidi doono qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn, wuxuu Telefishanka Russia Today sheegay in dawladda Jamhuuruyadda Somaliland ay bishii September ee la soo dhaafay ay daboolka ka qaaday in wadahadal kasta oo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya aan lagaga hadli doonin inay dib u midoobaan labada dal, hase ahaatee laga wada xaajoon doono sida labadii dal ee lixdankii midoobay u kala bixi lahaayeen.