Madaxweyne Trump ayaa tilmaamay in laga yaabo in uu ugu dambeyn magaalada ka saaro saraakiisha fulinta socdaalka ee Minneapolis, iyadoo ay sii kordhayaan carada ka dhalatay toogashadii dhimashada lahayd ee kalkaaliye, Alex Pretti, ay geysteen wakiilo federaal ah Sabtidii.

Wareysi uu siiyay joornaalka Wall Street, Mr Trump waxa uu sidoo kale sheegay in maamulkiisu uu “dib u eegayo wax walba” ka dib toogashada dhacday. Isagoo la hadlayay BBC, Taliyaha Booliska Minneapolis, Brian O’Hara, ayaa ku eedeeyay saraakiisha gobolka (oo loo xilsaaray inay baaraan toogashada la xiriirta bilayska) inay goor hore diideen in goobta uu dilku ka dhacay ay galaan wakiillo federaal ah, inkastoo ay haystaan ​​warqad baaritaan.

Tiro sii kordheysa oo siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mr Trump ayaa ku biiraya baaqyada ku aaddan baaritaan buuxa.

Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Minneapolis si ay uga soo horjeedaan fulinta socdaalka federaalka.

Mareykanka

Xigashada Sawirka,Getty Images

Dibadbax xooggan ayaa ka socda magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kuwaas oo looga soo horjeedo laamaha kala duwan ee dowladda federaalka si gaar ah ciidamada Laanta socdaalka ee ICE.

Dibadbaxayaal da’ kasta leh ayaa ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ka mid yihiin “Minnesota mar dambe maya, Minneapolis shaqo-joojin ayay ku jirtaa” iyo “ICE ha baxdo hadda,” ka hor inta aysan bilaabin inay maraan waddooyinka magaalada.

Bilowgii socodkooda ma jirin wax boolis ah oo goobta joogay, halka gawaarida ag maraysay ay seeriga garaacayeen iyagoo muujinaya taageero.

Mid ka mid ah ragga aan la hadalnay, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa watay boor ay ku qoran tahay “Halyeeyada Dagaalka ee Ka Soo Horjeeda ICE”.

Bbcsomali