Tuunisiyaan Tahriiba oo la Waayay

Tuuniisiya(Qaran)-Ugu yaraan 10 qof oo Tuuniisiyiin ah oo muhaajiriin ah ayaa la la’yahay halka hal qofna la xaqiijiyay inuu dhintay kadib markii doonni ay ku safrayeen ay ku degtay badda cad iyaga oo doonayay inay u gudbaan dhanka Talyaaniga sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Tuuniisiya.

Dhacdadan ugu danbaysay ayaa ka dhigaysa dadka ku dhintay ama lagu la’yahay xeebaha dalkaasi Tuunisiya in ka badan 600 qof sannadkan gudihiisa, taasoo ka badan tiradii la diiwaan galiyay sannadihii hore sida lagu sheegay tirakoobyo ay diyaarisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ciidamada Ilaalada xeebaha ee dalka Tuunisiya ayaa doontan kasoo samatabixiyay 11 qof kuwaasoo hadda lagu dawayaynayo cusbitaallada magaalooyinka Zaris Iyo Fawzi sida ay xaqiijiyeen masuuliinta caafimaadka ee dalkaasi.

Tuuniisiya ayaa cadaadis kala kulmaysa dalalka reer Yurub sidii ay u joojin lahayd tirada dadka ee xad dhaafka ah ee ka soo kicitamaya xeebeheeda, balse madaxweynaha dalkaasi Qays Saciid ayaa ku adkaysay inaanu dalkiisu noqonayn mid xuduudaha Ilaaliya

Saliid Laga Baadhayo Afganistaan

Afganistan(Qaran)-Dawladda Afghanistana ee ay hoggaamiyaan Daalibaan ayaa bilawday inay saliid ka baadho ceelal ku yaalla waqooyiga dalkaasi sida ay sheegtay warbaahinta ay dawladdu maamusha

Wakaalada wararka ee dalka Afhganistan Bakhtar News oo soo xiganaysa Sii hayaha xilka wasiirka macdanta iyo shidaalka ee afghanistana SHeekh Shahaabudiin Delawar ayaa sheegtay in mudnaanta la siin doono shaqaalyasiinta muwaadiniinta xirfdlayaasha ah iyo dib udhiska dhaqaalaha dalka. Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibad loo qabtay xadhig ka jarka ceelsha cusub ee laga qodi doono shidaalka.

Kadib markii ay awoodda dalkaasi ku soo noqdeen Daalibaan sannadkii 2021, waxa ay heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo saliid ka soo saari doonta gobolka dhanka waqooyi ee Sar-e Pul.

Bishii koobaad ee sannakan, dawladd kumeel gaadka ah ee Daalibaan waxa ay sidoo kale heshiis 25 sano ah la saxeexatay shirkada shiinays ah si ay saliid uga soo saarto wabiga AMU Sidoo kalena ay horumariso guud ahaan hawlaha shidaal qodista ee dalkaasi.

Afghanistana ayaa lagu qiyaasaa inay ku fadhiso khayraad dihin oo ka badan 1 tirillion oo doolar kaasoo soo jiitay maalgashadayaasha shisheeye sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Bakhtar News Agency ee dalkaasi